Ninkii Dhawaan Byadhabo ku dilay Haweeneydii Ganacsatada ahay oo maanta lagu fuliyay Xukun dil ah

Ninkii Dhawaan Byadhabo ku dilay Haweeneydii Ganacsatada ahay oo maanta lagu fuliyay Xukun dil ah

Warrarka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xukun dil ah lagu fuliyay nin lagu helay inuu dilay haweeney ganacsato ahayd kadibna uu ku riday boosaneer gurigiisa ku yaala.

Maxkamadda Gobolka Bay ayaa dil ku xukuntay Maxamed goomey kadib markii uu si ula kac ah u dilay Aamina Malaaq Mukhtaar.

Aamina ayaa la waayay galabtii Jimcaha, waxaase Axadii meydkeeda laga helay boosaneer ku yaala xaafad ku taala Baydhabo, halkaas oo ah meesha lagu dilay.

Ninka dambiga dilka ah lagu helay ayaa lagu toogtay goob fagaare ah, waxaana joogay boqollaal qof oo ah dadka degan Baydhabo

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com