Shiinaha oo ka hadlay dulaanka Ukraine

Shiinaha oo ka hadlay dulaanka Ukraine

Shiinaha ayaa mar kale uga digay Mareykanka inuu joojiyo faragelinta uu ku hayo arrimihiisa gudaha, isagoo sheegay in xiriirka labada quwadood uu marayo meel xasaasi ah.

Wasiirka difaaca Shiinaha Wei Fenghe oo ka hadlayay shirka amniga ee Singapore, ayaa sheegay in Beijing ay dagaalami doonto ilaa dhamaadka waa sida uu hadalka u dhigaye haddii ay cid isku dayo iney Taiwan ka go’yso dal weynaha Shiinaha.

Hadalka Wei ayaa ku soo beegmaya maalin ka dib markii Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin, uu dhaleeceeyay waxa uu ugu yeeray habka gardarrada ah ee ay Beijing ay u wajaheyso sheegashaheeda dhuleed iyo dhaqdhaqaaqa ay xasillooni darro uga abuureyso deegaanno u dhow Taiwan.

Dagaalka Ukraine mar uu ka hadlayeyna, Mr Wei waxa uu sheegay in Shiinuhu waligiis aanu taageero miltari siinin Ruushka, oo Beijing ay taageereyso wadahadallo dhexmara Ruushka iyo Ukraine.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com