Weerar khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Kismaayo

Weerar khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Kismaayo

Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen Kolonyo ay wateen Ciidamo katirsan kuwa Jubbaland oo marayay inta u dhaxeysa Buundada Dhaariq ee duleedka Magaalada Kismaayo iyo degaanka Baarka ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada oo ka baxay Barta-koontorool oo ay kuleeyihiin Buundada Dhaariq ayaa dagaal culus la galay Xubnaha katirsan Al-Shabaab ee weeraray, waxaana wararka aan helnay ay sheegayaan in weerarkaas ay ku dhaawacmeen Saddex Askari oo katirsan Ciidamada Jubbaland.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Kolonyada Ciidamada Jubbaland ay dagaalka kadib ay gaareen degaanka Baarka oo ay ku wajahnaayeen, waxaana Saraakiil katirsan Ciidamada Jubbaland ay sheegeen inay khasaaro xoogan gaarsiiyeen Xubnihii katirsanaa Al-Shabaab ee soo weeraray.

Dhowr jeer ayaa wadada u dhaxeeysa Buundada Dhaariq ee duleedka Magaalada Kismaayo iyo degaanka Baarka waxaa Ciidamada Jubbaland lagula beegsaday weeraro toos ah iyo qaraxyo, halka mararka qaar ay howlgallo gaar ah wadadaas ka fuliyaan Ciidamada Jubbaland.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com