Madaxweynaha Jubbaland oo dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo

Madaxweynaha Jubbaland oo dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, kadib safar qaatay muddo laba todobaad ah oo uu ku joogay Degmada Dhoobley.

Dhoobley oo Golaha Wasiiradda Jubaland ay u ansixiyeen Degmonimo 23-Jun-2022 ayaa Madaxweynaha Jubaland inta uu ku sugnaa waxa uu u kuur galay xaaladda Degmada isaga oo kulamo kale duwan la qaatay qaybaha kale duwan ee bulshada, dadka barakayasha ah iyo kuwa dib ugu soo guryo noqday gudaha Soomaaliya ee ku sugan Dhooble.

Sidoo kale waxa uu Madaxweynaha la kulmay Ciidamada Amniga qaybahooda kale duwan ee ka howlgala Dhoobley iyo deegaanada ku xeeran kuwaa oo uu kala hadlay dardargalinta shaqada Amniga.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com