Akhriso:- Heshiiska ay kala saxiixdeen Soomaaliya & Turkiga

Akhriso:- Heshiiska ay kala saxiixdeen Soomaaliya & Turkiga

Siihayaha Xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, ayaa Magaalada Ankara kula saxiixday heshiis taageero deeqo gaar ah Wasiirka Deegaanka, Magaalaynta iyo Isbeddelka Cimilada, Mudane Murat Kurum, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Madaxweynayaasha labada dal ee walaalaha ah, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Mudane Recep Tayyip Erdoğan.

Heshiiska ayaa waxa uu si mug leh u caddaynayaa in laga dhiso Magaalada Ankara ee Caasimadda Turkiga dhismo ballaaran oo qeybo kala duwan leh oo ka tarjumaya baahida Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya xiriir taariikhi ah iyo mid istiraatijiyadeed oo sal-adag oo leh heer siyaasadeed, dhaqaale, dhaqan, milatari iyo kuwo kale.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Najeb 2 years ago

    My name najiib abdi najka I’am hero boy I very I’am new to the country i like in Cali fornia

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com