Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo Fariin culus u diray Madaxweynaha Galmudug

Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo Fariin culus u diray Madaxweynaha Galmudug

Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo fariin culus u diray Madaxweynaha maamulka Galmudug asigoo ku eedeeyey Sinaan la’aan uu ka dhax sameeeyey beelaha degga deegaanada Galmudug halka Qoor aoor dhawaan magaacabay dhowr degmo oo ay leeyihiin jufada uu kasoo jeedo Madaxweynaha

Fariin ku socota Madaxweynaha Galmudug.

“Waxaan qeyb ka ahaa dib u dhiska Galmugud si dhowna ula soo shaqeeyay Madaxdi kala duwaneed ee soo Martay Dowlad Goboleedka, Uguna Danbeeyo Madaxweyne Qoorqoor Oo aan u haayo ixtiraam iyo sharaf eeyna waajib tahay in aan wada shaqeeyno si Shacabka degaanka aan u hormarino.

Aan u godbo Ujeedka Fariinteyda, Beelaha wada dega Galmudug oo walaalaha ah waxaa ka dhaxeeya wax badan oo aan la soo Koobi Karin hadana waxaad moodaa in beelo gaar ah eey ku dulman yihiin maamulka dhanka Awood qeybsiga guud iyo balaarinta maamulka iyo ka warqabka bulshada.

Mudane Madaxweyne, Galmudug waxey maamul jira ku ahaan kartaa in beeluhu u Siman yihiin isla markaana aad xuquuqda eey leeyihiin ugu qeybisid Cadaalad, Magacaabista Degmooyinka waxaa si gaar ah ugu dulman Beelo Deegaan ballaaran oo taariikhi ah ku leh oo magaaloyin ka soo jeeda magac ku leh Soomaaliya.

Waxaan si guud ugu baaqayaa dhammaaan beelaha Dega Galmudug iyo bulshada qeybaheeda kala duwan si gaar ahna Madaxweyne Qoorqoor haddii Galmudug eey sidii aan u wada dhisnay tahay oo aheyd Galmudug la wada leeyahay Deegaanada Mudan in Degmooyin loo magacaabo oo eey ugu Horeeyaan Afar magaalo 1- Wabxo. 2-Derri. 3-Jacar. 4 – Bargaanoo. Oo aan ognahay iney buuxin karaan shuruudaha Degmooyinka Ahna magaalooyin facweyn oo taariikhi ah, in kastoo oo magaalooyin kale jiraan hadana afartaas ayaan ku soo koobayaa.

Waxaa kale oo Guud ahaan Maamulka Galmudug u ah magac in magaalada Taariikhiga ah ee Ceelbuur Gobol loo aqoonsado, Galmudug waxey Dowlad ku ahaan doontaa wada jir, is aamin iyo wax wada lahaansho, taasoo Cadaaladu u tahay saldhig.

Ugu danbeyn waxaan ugu baaqayaa 12-ka xildhibaan oo ugu horeeyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo Wasiirada nagu matala DG Galmudug iyo 7-da Xildhibaan iyo Senatorka ee Federaalka in aan shir wada tashi isugu nimaado sida ugu dhaqsiyaha badan maadaama masuuliyaddu si gaar ah noo taabaneyso si aan uga tashano dib u xoreynta Deegaanka lana wadaagno talo beelaha kale ee dib u xoreynta Deegaanka aan isku fikir ka nahay isla markaana aan cadaalad Daradda ka jirta maamulka aan u soo bandhigno bulshada qeybaheeda kala duwan si aan go’aan uga qaadano.

Rag cadaalad waayaa sidii, cawsha kala yaacye.

W/Q Xildhibaan Mustaf Dhuxulow

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com