Khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay qarax ka dhacay degmada Afgooye

Khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay qarax ka dhacay degmada Afgooye

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu Aaso oo meelaha fog fog laga hago ayaa gudaha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa Maanta lagula eegtay Ciidamo katirsan Booliska degmadaas, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho & dhsawac ah.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Ciidamada xilliga qaraxa lala beegsanayay ay marayeen wadada ka timaada dhinaca Haantadheer ee gasha Suuqa Ariga & khudaarta, waxaana ku geeriyooday qaraxa hal Askari iyo kaaba markhaatigii Suuqa khudaarta oo Magaciisa lagu soo koobay Muqtaar halka Saddex kale oo qof kamid ah uu yahay shacab ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada Booliska ee qaraxa lala beegsaday ayaa socdaalkoodii iska sii watay kadib saacado ay u xirneyd wadada oo inta badan maraan dadka ka Ganacsada Suuqa Khudaarta iyo Ariga iyo kuwa u adeeg doonta.

Dhowr jeer ayaa sidaan oo kale wadada u dhaxeeysa Haantadheer iyo Suuqa khudaarta ee degmada Afgooye qaraxyo lagula eegtay Ciidamo katirsan Booliska degmada, kuwaas oo waxyeelo kasoo gaartay.

Qaraxaan ka dhacay Maanta degmada Afgooye ayaa kusoo aadaya xilli Todobaadkaan uu degmadaasi booqday Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax, isaga oo Maamulka degmada kala hadlay sidii loo sugi lahaa Amniga loogana hortegi lahaa dilalka ka dhaca degmada.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com