Diyaarad qaad siday maanta ka degtay Muqdisho.

Diyaarad qaad siday maanta ka degtay Muqdisho.

Wasiirka beeraha Kenya Hon Peter Munya, oo adeegsanayey bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa xaqiijiyey in maanta uu Qaadka miirooga ah ee kenya uu ka dagey Muqdisho ka dib laba sano iyo billo uu hakad ku jirey .

Imaanshaha qaadka Kenya ayaa ka danbeeyey ka dib markii ay Soomaliya iyo Kenya dhawaan ku heshiiyeen in dib loo bilaabo qaadka Kenya iyado Soomaliya ku badalanayso Kalluun ay Kenya u dhoofinayso.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee qaadka ka soo dhoofisa dalka Kenya ayaa ku eedeeyey shaqsiyaad xiriir dhow la leh Madaxtooyada Soomaliya inay macaash dhaqaale dul sarteen qaadka ay Kenya ka soo iibsadeen .

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com