Saddex Dhalinyaro Soomaali ah oo lagu dilay Goob ay ka socotay Xaflad Aroos

Saddex Dhalinyaro Soomaali ah oo lagu dilay Goob ay ka socotay Xaflad Aroos

Ciidamada Booliiska magaaladda West Jordan ee gobolka Utah ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in Saddex dhallinyaro Soomaali ah xalay toogasho lagu dilay iyaga oo jooga guri ay xafladi Aroos ah ka socotay.

War kasoo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in ay aaminsan yihiin in ay ahayd toogashada mid si ula kac ah loola beegsaday xaflada oo ay ku dhinteen Saddexda qof, hayeeshee ay xabsiga u taxaabeen qof dhallinyaro ah oo looga shakisan yahay in uu isagu dilka toogashadda ah geystay.

Booliisku weli ma sheegin da’da iyo magacyadda saddexda wiil ee toogashadda lagu dilay iyo qofka ay horay u sheegeen inay dilkaasi u qabteen, kaas oo Goobta xafladda ay ka socotay rasaaseeyay.

Walwal xoogan ayaa soo wajahay Qoysas baddan oo Soomaali ah oo deggan magaaladda Salt Lake ee gobolka Utah oo u dhow Magaalada West Jordan ee xalay wiilasha lagu toogtay, iyada oo ay xusid mudan tahay in magaaladda Salt Lake ee gobolka Utah. Labbadii bilood ee u dambaysay dhallinyaro baddan oo Soomaali ah toogasho lagu dilay.

Wararkii ugu dambeeyay ee nasoo gaaraya ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska ay weli wadaan howlgallo baaritaano ah, si loo ogaado qofka sida rasmiga ah tooashada u geystay iyo ujeedka uu ka lahaa.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com