Dowladda Soomaaliya & Maamulka Koonfur Galbeed oo ka hadlay dilka guddoomiyihii degmada maraka

Dowladda Soomaaliya & Maamulka Koonfur Galbeed oo ka hadlay dilka guddoomiyihii degmada maraka

Mas’uuliyiin kala duwan oo katirsan dowladda Federaalka ah eeSoomaaliya iyo Maamulka koonfur Galbeed ayaa ka hadlay qarixii ismiidaaminta ahaa ee Maanta lagu dilay Guddoomiyihii Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdullaahi Cali Axmed Waafoow.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaliya ,Wasiir ku xigeenka,Wasiiru dowlaha , Agaasimaha guud iyo guud ahaan bahda Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, asxaabtii iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha unaxariistee Guddoomiyihii Degmada Marka iyo mas’uuliyinta kale ee ku geeriyoodeen qaraxii maanta ka dhacay Degmada Marka.

Dhinaca kale Wasiirka amniga gudaha Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cabdi ayaa ka tacsiyadeeyey geerida ku timid Marxuum Gudoomiye Cabdullahi waafow Gudoomiyihii Degmada Marka ee gobolka shabeellaha hoose oo maanta qarax ismiidaamin ah lagu diley, wasiirka ayaa Ilaahey uga baryey inuu naxriistiisa Janno ka waraabiyo.
Aamin Aamin.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali ( Najax) ayaa sheegay in uu murgada la qeybsanayo Shacabka Degmada marka oo maanta ka baxay nin qiima badan Illaahey ha u naxriisto Gudomiye Waafow.”Dadkii ku dhintay dhmaantood Janatul Fardowsa Allah ka waraabsho intii dhawacana caafimaad degdeg ah ha siiyo.“Walaalkey weligaa quluubteena ayaad baaqi ku ahaan doontaa, waxaad u geeriyootay difaaca dadkaaga, dalkaaga iyo diintaada ayuu yiri” guddoomiye Najax

Alle ha u Naxariistee Gudoomiyihii magaalada marka ayaa u geeriyooday qarax ismiidaamin ahaa oo Maanta lagula beegsaday afaafka hore ee Xarunta degmada marka, waxana sidoo kale qaraxa ku dhintay qaar kamid ah ilaaladiisa iyo dad kale.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com