Dil Xalay ka dhacay magaalda Burco & faah faahin kasoo baxeysa

Dil Xalay ka dhacay magaalda Burco & faah faahin kasoo baxeysa

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Burco ee degaannada Somaliland ayaa sheegaya in tooreey ama Mindi lagu dilay mid kamid ah Dhalinyarada Magaalada kadib markii ay is khilaafeen Wiil kale.

Wiilka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Cabdisamad Axmed Maxamed Cajab ayaa u geeriooday minddi uu galiyey wiil kale oo uu gacan ka hadal dhex maray, xili ay ku sugnaayeen Dooxada ama goob biyo fariisin ah oo kutaalla Magaalada Burco.

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa howlgal ay sameeyeen saacado kadib waxaa suurto gashay inay gacanta ku dhigaan Wiilkii Dhalinyarada ahaa ee Wiilka kale tooreyda ku dilay.

Waalidiinta Cabdisamad Axmed Maxamed Cajab ayaa ka dalbaday Xukuumadda Somaliland in ay u cadaalad helaan dilka Wiilkooda, isla markaana baaritaan dhab ah lagu sameeyo sida uu u dhacay dilka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com