Weerar Madaafiic ah oo lagu qaaday Saldhig ay ku sugan yihiin Ciidanka Kenya

Weerar Madaafiic ah oo lagu qaaday Saldhig ay ku sugan yihiin Ciidanka Kenya

Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay weerar madaafiic ahaa ku qaadeen Saldhig Ciidamada Kenya ku leeyihiin degaanka Konton oo u dhow degmada Qorof-xaraar ee Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa madaafiic dhowr ah oo ku dhacay Saldhiga iyo agagaarkiisa, sidoo kalena Ciidamada Kenya ay dhankooda tiro madaafiic ah ku jawaabeen.

Weli lama cadeyn khasaaraha ka dhashay madaafiicda, hayeeshee Al-Shabaab oo sheegtay weerarka ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada Kenya ay saldhiga ku sugan ay khasaaro ku gaarsiiyeen madaafiicda.

Saraakiil katirsan Ciidamada Kenya oo dhankooda Warbaahinta gudaha la hadlay waxaa ay sheegeen inay fashiliyeen weerarkii kaga timid dhinaca Al-Shabaab, Isla markaana ay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan Kooxihii soo weeraray.

Dhowr jeer ayaa ayaa Al-Shabaab waxaa ay weerar madaafiic ah iyo mid toos ah ku qaadeen Saldhigyada Ciidamada Kenya ee degaano katirsan Gobolka Waqooyi Bari, waxaana sidoo kale Ciidamada Kenya dhankooda ay sameeyaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com