Howlgal ay iska kaashadeen Ciidamada Booliska Degmada Cadaado iyo Taliska Nabad Sugida Qeybta Galmudug Gaar Ahaan Cadaado iyo Gaalkacyo ayaa laga Sameeyey Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.
Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in howlgalka lagu sugayo Amniga Magaalada Cadaado oo dhawaan marti gelin doonta Doorashada Golaha Deegaanka Degmada Cadaado oo ay qabaneyso Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Galmudug.
Taliye ku xigeenka Booliska Degmada Cadaado, Taliyeyaasha Nabad sugida
Gaalkacyo, iyo Cadaado ayaana hoggaaminayay howlgalka, iyaga oo dadweynaha la wadaagay inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida Amniga Magaalada Cadaado.
Saraakiishu ma sheegin waxyaabo ay kusoo qabteen howlgalka balse ay sheegeen inay sii wadi doonaan ilaa iyo inta ay ka dhaceyso doorashada Golaha degaanka Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.
COMMENTS