Akhriso: Natiijada horudhaca doorashada dalka Kenya

Akhriso: Natiijada horudhaca doorashada dalka Kenya

Natiijada horudhaca ah ee doorashada madaxweynaha dalka Kenya ayaa muujisay loolan adag oo u dhexeeyay labada musharrax ee ugu waaweyn ee ku loolamaya xilka madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Uhuru Kenyatta.Doorashadii Taladiidii ayaa tijaabo muhiim ah u ah xassiloonida dhaqaalaha ugu weyn Bariga Afrika kadib markii labo ka mid ah saddexdii doorasho ee ugu dambeysay ay hareeyeen rabshado markii lagu murmay eedeymo musuqmaasuq.

Natiijooyin horudhac ah uu diyaariyay Telefishinka gaarka loo leeyahay ee Citizen subaxnimadii hore ee saaka oo Arbaco ah ayaa muujinayay in labada musharrax ee ugu cadcad doorashada ee madaxweyne ku xigeenka William Ruto iyo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ay aad iskugu dhow yihiin codadka ilaa hadda la tiriyay oo gaaraya 1.2 milyan oo cod, taasoo ka dhigeysa in ka badan 49% uu midkiiba helay

Musharaxa ku guuleysta doorashada waa inuu helaa 50% oo lagu daray hal cod (50%+1).

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com