Maxaa dhaliyay buuqa ka dhacay xarunta lagu tirinayo codadka laga dhiibtay Doorashadii ka dhacday Kenya 9kii August 2022?

Maxaa dhaliyay buuqa ka dhacay xarunta lagu tirinayo codadka laga dhiibtay Doorashadii ka dhacday Kenya 9kii August 2022?

Buuq xooggan ayaa ka dhacay xarunta lagu tirinayo codadka Shacabka Kenya ka dhiibteen Doorashadii Kenya ka dhacday 9kii August 2022 ee la sugayo Natiijada sida ay u kala adkaadeen Musharrixiinta loo codeeyay.

Hadal-heyn ka dhalatay gaabista ku yimid ku dhawaaqista natiijada codbixinta ayaa ah dhibaatada ugu weyn ee sababtay in dhegaha Dadka ay u taagaan xarunta Guddiga Doorashooyinka eel eh xaqiijinta codadka ay tiriyeen.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Kenya, Wafula Chekubati oo la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in sababta gaabista shaacinta natiijada uu leeyahay Guddigooda balse waxa uu ku dooday in uu weli heysto fursad uu Dastuurka u ogol yahay.

Wakiillo katirsan xubnaha codadka u tirinaya Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga ayaa buuq xooggan ka sameeyay goobta codadka lagu tirinayo, waxa ay la wareegeen muuqaallada tooska ah eek a socday goobtaas.

Guddiga Doorashooyinka Kenya oo isku dayay in uu Xakameeyo buuq ka dhashay gudaha Goobta lagu tirinayo Codadka ay dhiibteen Shacabka Dalkaas 9ka August 2022 ayaa dalbaday Ciidamo ah Booliiska kahortaga rabshada oo ugu dambeyn xarunta cod tirinta galay.

Warbaahinta ayaa dibadda looga saaray xarunta si loo xakameeyo buuqa iyo sawaxanka Goobta ka socda, ciidamada ayaa hareereeyay qalabka loo adeegsanayo tirinta codadka & kuwa lagu keydinayo codadkii la tiriyay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com