Wasaaradda Waxbarashada iyo hidaha iyo taliinta sare ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Talaado ah waxaa ay ku dhawaaqday Natiijada Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada sare ee 2021/2022.
Wasaaradda ayaa horay ugu diiwaangelisay inay imtiaanka galayaan 34,469 oo ardayda, balse waxaa u fariisatay 33,468 oo arday, sidaas waxaa uga haray imtixaanka oo aan gelin ama u fariisan 1,001 Arday.
Wasaaradda Waxbrashada ayaa ku sheegtay in tirada baastay imtixaanka guud ee shahaadiga ee fasalka 12-aad sanad dugsiyeedkii tegay uu yahay 32,325 arday oo u dhiganta 97%. halka y imtixaanka ku dhaceen 1143 arday oo u dhiganta 3%.
Ardayda sanadkaan ku dhacay imtixaanka ay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ka qaaday Iskuulada kuyaalla gobolka Banaadir & dowlad Goboleedyada ayaa waxaa ay kala joogaan.
1,100 ka mid ah ardayda ku dhacday imtixaanka dowladda waxay ku galeen Gobolka Banaadir, halka 43-da kale ay imtixaanka ku galeen gobollada kale ee dalka, sida degaannada.
1 – Deegaanada Koonfur Galbeed 24 arday ayaa dhacday.
2 – Galmudug 7 arday ayaa dhacday.
3 – Jubbaland 6 arday ayaa dhacday.
COMMENTS
20909644