Ra’iisul Wasaare Xamse oo baaq kasoo saaray abaarta kajirta dalka

Ra’iisul Wasaare Xamse oo baaq kasoo saaray abaarta kajirta dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Hooyooyinkeena iyo Carruurtooda ay siweyn u saameysay abaarta xilligaan kajirta meelo badan oo dalka Soomaaliya ah.

Wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed xilligaan naftooda iyo maalkooda ay siweyn u saameeysay abaarta , isla markaana ku dhawaad hal milyan oo qof ay ku barakaceen abaar darteed.

” Walaalayaal abaarta kajirta dalkeena aad ayay u sameeysay dadkeena naftooda iyo maalkooda, xilli waxaan joognaa loo baahan yahay in la isku gurmado ayuu yiri” Ra’iisul Wasaaraha.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed kuwa jooga gudaha & kuwa ku sugan dalka dibaddiisa inay caawiyaan dadka ay saameeysay abaarta.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com