Dagaal udhexeeya laba maleeshiya beeleed oo ka dhacay Gobolka Galgaduud

Dagaal udhexeeya laba maleeshiya beeleed oo ka dhacay Gobolka Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya degaanka Gaalyeel oo hoostaga degmada Ballanballe ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal dhexmaray laba maleeshiyo beeleed, kaas oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Maleeshiyaadka dagaalamay ayaa isku heysta dhul kuyaalla degaanka Gaalyeel, waxaana dagaalka inta la xaqiijiyay ku dhintay laba Ruux halka Saddex kale ay ku dhaawacmeen.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalka oo soo bilaawday shalay gelinkii dambe uu soo gaaray xalay xilli dambe , Isla markaana weli degaanka laga maqlayo rasaas goos goos.

Dhinaca kale waxaa xiisad dagaal ay ka tagan tahay degaanka Baalle oo u dhow degaanka dhagax-dheer, halkaas oo shalay ay ku dagaalameen laba maleeshiyo beeleed.

Madaxda Maamulka Galmudug ayaan weli ka hadlin dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday degaano katirsan Gobolka Galgaduud.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com