Maamulka Hir-Shabeelle oo dib u dhisaya Xarunta ay qaraxyo ku burburiyeen Al-Shabaab

Maamulka Hir-Shabeelle oo dib u dhisaya Xarunta ay qaraxyo ku burburiyeen Al-Shabaab

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdirahman Kheyre oo ay weheliyeen Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Cabdifataax Hassan Faarax iyo Wasiiru- dowlaha Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Axmed Dhagacadde ayaa booqday Saldhigga Ciidanka Booliiska Degmadda Matabaan ee gobolka Hiiraan, kaas oo kal hore ku burburay Qarax ay ku xireen Al-Shabaab 8 Bilood kahor.

Gudoomiyaha Degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan mudane Bashiir cabdiraxman sheekeeye Oo aay wehliyaan masuuliyiin ka’tirsan Maamulka Degmada ayaa Gudaha saldhiga Booliska Degmada Matabaan ku soo dhaweeyey Wasiirada katirsan Maamulka Hir-Shabeelle iyo mas’uuliyiinta kale.

Gudoomiyaha ayaa Wafdiga Wasiirrada uga warbixiyay in Saldhigga uu burbur xooggan kasoo gaaray Qarixii ay ku xireen Al-Shabaab taas oo saameysay shaqadii uu Bulshadda u hayay sida qeybaha Garsoorka, Qololka lagu xiro eedeysanayaasha iyo Xafiisyadda Taliska Ciidanka Degmadda Matabaan.

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa balan qaaday in si deg deg loo dhisi doonno dhammaan qeybaha burburay ee Saldhigga isla markaana ay Wasaarradu qorshaasi diyaarisay si loo soo celiyo Adeegyadii muhiimka ahaa ee bulshadda u hayay Saldhigga Booliiska Degmadda Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com