Al-Shabaab oo Goob fagaaro ah ku toogtay lix Ruux

Al-Shabaab oo Goob fagaaro ah ku toogtay lix Ruux

Xubno katirsan ururka Al-Shabaab ayaa fagaaro kuyaalla degaanka kuunyo-baroow oo hoostaga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay ku toogteen lix rag ah oo ay ku eedeeyeen inay la Shaqeeynayeen Sirdoonka dowladda Mareykanka.

Goobta fagaaraha ah ayaa waxaa ku sugnaa boqolaal kamid ah Shacabka degaanka kuunyo-baroow oo ay Al-Shabaab ku amreen inay daawadaan sida ay u dhaceyso toogashada & Xubno kamid ah Al-Shabaab

Ragga ay Al-Shabaab goobta fagaaraha ah ku toogteen oo u badan Dhalinyaro ayaa laga soo qabtay degaano kala duwan oo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya, waxaana Magacyadooda ay kala yihiin.

1: Aweys Aadan Xassan (Dalabey) oo ay Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu la Shaqeeynayay Sirdoonka mareykanka, isla markaana uu bixiyay xogta duqeymo lala beegsaday Xubno katirsan Al-Shabaab.

2: Cabdulqaadir Ibraahim Xuseyn (Boqol) oo Al-Shabaab sheeeen in uu ka qeyb qaatay ilaa lix duqeyn, isla markaana uu la Shaqeeynayay Sirdoonka dowladda mareykanka.

3: Cabdiraxmaan Cabdulle Dhicisow oo loo heystay in uu la Shaqeeynayay Sirdoonka Mareykanka, uuna ka qeyb qaatay hagida laba duqeyn oo ka dhacday duleedka degaanka Kuunya-barow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

4: Cabdalla Nuunow Cabdulqaadir ayaa Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu ka qeyb qaatay duqeyn lagu dilay Saraakiil katirsan ururka Al-Shabaab, sidoo kale uu xogtooda gudbiyay kuwo kale.

5: Maxamad Sheekhey barrow ayaa silamid ah raga kale waxaa ay ku eedeeyeen in uu la Shaqeeynayay sirdoonka mareykanka, isla markaana uu ka qeyb qaatay duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

6: Xassan Cumar Murjaan (Xassan Garre) ayaa Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu la Shaqeeynayay Sirdoonka dowladda mareykanka, isla markaana uu ka qeyb qaatay Saddex duqeyn oo ka dhacday degaanka Kuunya-barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin ragga lixda ah oo ay Al-Shabaab ku toogteen fagaaro kuyaalla degaanka Kuunya-barrow ee Gobolka Shabeellaha hoose, iyada oo dhowr jeer sidaan oo kale Al-Shabaab ay sidaan oo kale fagaaro ugu toogteen rag ay ku eedeeyeen inay la Shaqeeynayeen dowladda Soomaaliya iyo Sirdoonka Mareykanka

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com