Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo gaaray Magaalada Beedweyne

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo gaaray Magaalada Beedweyne

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, iyada oo siweyn loogu soo dhaweeyay garoonka ugaas khaliif ee Magaalada Beledweyne.

Wafdiga Madaxweynaha oo ka yimid dhinaca degmada Matabaan ayaa waxaa Beledweyne kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabelle, Wasiiro maamulka Gobalka iyo Qeybaha bulshadda.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa safaro ku kala marayay dhawanahaan degmooyin ka tirsan Gobalka Hiiraan, waxaana warraka la helay ay sheegayaan in safarkiisa uu horudhac u yahay Ra’iisul Wasaare Xame oo Maalinta berito ah tegaya magaalada Beledweyne

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com