Ciidanka DANAB oo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab fuliyay

Ciidanka DANAB oo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab fuliyay

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB Gaar ahaan Ururka 7aad Guutada 16-aad ayaa howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka sameeyeen degaano katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ee dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Howlgalka oo ahaa mid Amniga lagu xaqiijinayay ayaa laga sameeeyey degaanada kala ah Gamboole, jameeco jiliyaale & Ceel cade kuwaas oo hoostaga magaalada jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Saraakiisha Ciidanka DANAB ayaa sheegay inay dhammaan xaqiijiyeen amniga degaannadii ay howlgalka ka sameeyeen, halkaas oo mararka qaar lagu arki jiray Xubno katirsan ururka Al-Shabaab.

“ Degaannadan markii ay soo gaareen Ciidanku waxa ay sameeyeen hawlgalo lagu xaqiijinayo Ammaanka maadaama Shacabka ku dhaqan degaannadaas ayaa dhib ku qabeen Al-Shabaab oo mararka qaar u yimaada ayuu yiri” Sarkaal katirsan Ciidanka DANAB.

Sidoo kale wuxuu sheegay in howlgalkan oo qeyb ka ah howlgalalda Guud ee ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii wadi doonaan ilaa degaannada Gobolka Shabeellaha dhexe amnigooda ay ka xaqiijinayaan.

Degaano iyo degmooyin katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayay Ciidamada dowladda howlgallada ka wadaan, waxaana sidoo kale Saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in dhammaan Gobolada dalka oo dhan laa fulin oono.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com