Madaxweyne Qoor Qoor oo gaaray degaan ay dhawaan weerareen Al-Shabaab

Madaxweyne Qoor Qoor oo gaaray degaan ay dhawaan weerareen Al-Shabaab

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray deegaanka Cada Kibir ee gobolka Galgaduud, deegaankaas oo ay Al-Shabaab ka jareen isgaarsiinta iyo biyaha, kadib markii ay miinooyin ku xereen xarumaha isgaarsiinta iyo ceel biyood ay ka waraabayeen dadka iyo duunyada ku nool deegaanka Cada Kibir.

Madaxweynaha ayaa warbixinno ka dhageestay gudoomiyaha deegaanka iyo odayaasha dhaqanka, waxuuna halkaas kula kulmay ku dhawaad 150 qof oo dadka deegaanka ah, kuwaas oo iskood isku hubeeyay si ay iskaga difaacaan Al-Shabaab.

Madaxweyaha ayaa sidoo kale sheegay in dadka Soomaaliyeed iyo argagixisadu aysan Soomaaliya kuwada noolaan karin, loona diyaar garoobo sidii la isaga kicin lahaa, looguna tagi lahaa deegaanada kooban ee ay ka joogaan Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ugu danbayn ku ammaanay shacabka iyo culimada deegaanka Cada Kibir sida ay ugu diyaar garoobeen inay argagixisadu uga difaacdaan deegaankooda iyo deegaanada hoostaga, waxuuna xusay madaxweynuhu in Galmudug ay had iyo goor garab taagantahay shacabka u hiillan inay iska dulqaadaan kooxaha argagixisada, iyadoona ay xusid mudantahay in maalin kadib markii Al-Shabaab ay adeegyada aasaasiga ah ka jareen deegaanka in madaxweynuhu uu u diray ciidamo deegaanka amnigiisa suga, kuwaas oo halkaasi ku sugnaa maalmihii lasoo dhaafay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com