Madaxweyne Xasan Sheekh oo Safiirka Filand kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Safiirka Filand kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Villa Soomaaliya ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Finland u fadhiya Soomaaliya Pirkka Tapiola.

Madaxweynaha dalka iyo Safiirka ayaa ka wadahadlay kor u qaadidda taageerada Midowga Yurub oo ay qeyb ka tahay dowladda Finland, adkeynta cilaqaadka labada dal, horumarinta dhaqaalaha, iskaashiga, qorshaha dowladda Soomaaliya ee xoojinta amniga, xasilloonida dalka iyo la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay xoreynta deegaannada ay kaga sugan yihiin Al-Shabaab oo ay ka soo maleegaan weerarada qorsheysan.

Dhankiisa, Danjiraha dowladda Finland Mudane Pirkka Tapiola ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gacan-siinayaan arrimaha hortebinta u leh, oo ay ugu horreeyaan la wareegidda amniga guud ee dalka, xoojinta federaaleynta iyo daadejinta hannaanka dowliga ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com