Raila Odinga oo diiday inuu ka qeyb galo caleema-saarka William Ruto.

Raila Odinga oo diiday inuu ka qeyb galo caleema-saarka William Ruto.

Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa diiday inuu kasoo qeyb galo xafladda caleemo-saarka madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto oo maanta ka dhaceysa garoonka Kasarani ee magaalada Nairobi, wuxuuna sheegay in Ruto kusoo baxay doorasho aan xor iyo xalaal aheyn.

Bayaan uu soo saaray ayuu Odinga ku sheegay in uu dalka ka maqanyahay laakiin qodobka ugu muhiimsan ee aanu uga qeyb galeyn galeyn caleemo-saarka Ruto uu yahay in guddiga doorashada aanu qaban doorasho xor iyo xalaal ah, isla markaana go’aanka Maxkamadda Sare aanu ku saleysneyn sharci iyo xaqiiqo, laakiin uu xushmeynayo go’aankaas.

“Sababagaas daraadood natiijadii doorashada waa mid aan la garaneyn” ayuu yiri Raila Odinga oo sheegay in marka uu dalka kusoo nqodo uu la kulmi doonoo xunbaha isbaheysigiisa, isla markaana ay ku dhawaqi doonaan tallaabada xigta.

Odinga oo markii shanaad u tartamay xilka madaxweynaha Kenya ayaa wuxuu taageero ka helayay madaxweynaha xilka ka dagay ee Uhuru Kenya, oo kasoo horjeestay madaxweyne ku xigeenkiisa William Ruto.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com