Taliyaha Ciidanka Booliska oo ka qeyb galay Shirka Booliska Caalamiga ah ee INTERPOL

Taliyaha Ciidanka Booliska oo ka qeyb galay Shirka Booliska Caalamiga ah ee INTERPOL

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, oo hoggaaminaya wafti ka kooban Saraakiil Sarsare oo ka socda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa magaalada Lyon, ee Dalka Faransiiska kaga qayb galay shirka Booliska Adduunka (INTERPOL) ee dowladaha Bariga Dhexe, Bariga iyo Waqooyiga Afrika.

Shirka oo ay ka soo qayb galeen madaxda Ciidanka Booliska ee in ka badan 20 dal, ayaa waxaa looga hadlayey waxka qabashada arrimaha argagixisada, denbiyada xuduudaha isaga gudba, daroogada iyo lacagaha sharci darrada ah, kuwaas oo dhammaan halis ku ah guud ahaan amniga caalamka.

Sidoo kale, Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee Booliska Adduunka ee INTERPOL mudane Jurgen Stock, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo INTERPOL ee dhinacyada ka hortagga danbiyada caalamiga ah iyo la dagaallanka argagixisada.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xubin buuxda ka ah Booliska Adduunka ee INTERPOL oo Xafiiskoodii Soomaaliya dib uga hawl-galiyey magaalada Muqdisho Bishii 7-aad ee sannadkii 2021-kii.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com