Ciidanka dowladda oo Al-Shabaab kala wareegay degaanka Basra

Ciidanka dowladda oo Al-Shabaab kala wareegay degaanka Basra

Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay inay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgal Qorsheysan Waaberigii saakay ay Deegaanka Basra ay ka fuliyeen Ciidamada Amniga Dowladda Soomaaliya ayay kula wareegeen deegaanka Basra iyo Tuulooyinka Hoosyimaada.

Tuulooyinka ay sida buuxda ula wareegeen Ciidamada oo gaaraya 9 tuulo ayaa kala ah.
1. Basra
2. Sapyo
3. Bahdaad
4 . Beled Al Kariim
5. Baldooska
6. Alifoow
7. Muryaley
8. Daniga Balow
9. Buula Xansholey

Tuulooyinkan ayaa dhammaantood ku teedsanyihiin Wabiga Shabeelle, iyaga oo kuyaalla inta u dhaxeeysa degmooyinka Balcad iyo Afgooye ee labada Shabeelle.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ladlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka ay burburiyeen Saldhiggii ugu weynaa Al-Shabaab ee degaanada ay la wareegeen, isla markaana aysan jirin wax iska caabin ah oo ay ciidamadu la kulmeen inta howlgalku socday.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa Al-Shabaab degaanka Basra ay kulahaayeen Saldhig wayn oo ay kasoo abaabulijireen weerarada, sidoo kalena Ganacsatada ay ugu yeeri jireen.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com