Sheekh Shaakir: “Dowladda Wadahaddal ayaa nosocda,dagaalka shabaabna wan ka qayb galayna”

Sheekh Shaakir: “Dowladda Wadahaddal ayaa nosocda,dagaalka shabaabna wan ka qayb galayna”

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah hoggaamiyaasha Ahlu sunna Wal-jameeca ayaa sheegay in Ciidamadooda qeyb ka yihiin dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ee ka socda degaannada Galmudug, ayna garab taagan yihiin Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Sheekh Shaakir oo Wareysi siiyay BBC-da ayaa wax laga weeydiiyay sida ay uga bar bar dagaalamayaan Ciidamada dowladda oo ay horay ula dagaalameen, wuxuuna yiri”

“Anaga dowladdii hore ayaa nagu soo duushay oo dagaal nagu soo qaaday wayna tagtay, dowladda hadda jirtana dagaal kuma nihin oo waan ku taageersanahay dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab, anaga oo kujirna Ciidamada iyo dadka degaanka ee dagaalamaya”

Sidoo kale Sheekh Shaakir waxaa uu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya iyo iyaga uu u socdo wadahadal ku saabsan sidii ay isaga kaashan lahaayen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, hayeeshee faah faahin dheeri ah uusan bixin.

Hadalka Sheekh Shaakir ayaa kusoo aadaya xilli weli uusan jirin wax heshiis ah oo laga gaaray dagaalkii khasaaraha badn dhaliyay ee degmooyinka Dhuusamareeb & Guriceel ku dhexmaray Ciidamada dowladda Soomaaliya & xoogagga Ahlusunna.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com