Mucaaradka Somaliland oo Maanta Go’aan kasoo saaraya Muddo kordhintii loo sameeyay Muuse Biixi

Mucaaradka Somaliland oo Maanta Go’aan kasoo saaraya Muddo kordhintii loo sameeyay Muuse Biixi

Kadib markii shalay Golaha Guurtida Somaliland ay muddo kordhin labo sano ah u sameeyeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Xukuumaddiisa ayaa waxaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah in Xisbiyada mucaaradka Somaliland oo Go’aano kasoo saaray.

Shirar isdaba-joog ahaa oo saacadihii la soo dhaafay ay magaalada Hargeysa ku yeesheen Xisbiyada Mucaaradka ayay kaga tashadeen sida ay ka yeelayaan mudo kordhinta loo sameeyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo uu dhamaanayo Muddo xileedkiisa 13-ka Bisha November ee sanadkan 2022

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Xisbiyada mucaaradka Somaliland ay iclaamin doonaan Shir wadatashi ah ummadeed ah, kaas oo ka dhici doona magaalada Burco ee hore looga aas’aasay Somaliland.

Sidoo kale Xisbiyada Mucaaradka ayaa ku dhawaaqi doona markii ugu horreeysay Xukuumad gaar ah, taas oo xaalad amni iyo mid siyaasadeed gelin karta degaannada Somaliland, maadaama dhowr jeer Mucaaradka Somaliland oo banaanbax dhigayay la rasaaseeyay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com