Jubbaland oo sheegtay inay fashilisay qaraxyo ay qorsheeyeen Al-Shabaab

Jubbaland oo sheegtay inay fashilisay qaraxyo ay qorsheeyeen Al-Shabaab

Ciidamada Daraawiishta dowlad Goboleedka Jubbaland ee uu fadhigoodu yahay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sameeyay howlgallo amniga lagu xaqiijinayay, kaas oo lagu soo saaray miinooyon dowr ah.

Saraakiil katirsan Ciidamada Daraawiishta ayaa sheegay in ay fashliyeen Qarax ay Al-Shabaab u maleegayeen inay ku dhibaateeyaan dadka rayidka ah ee ku ganacsada Suuqa xoolaha degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.

Ciidamada ayaa qaraxaas goob fagaaro ku qarxiyay, waxaana Saraaiisha Ciidamada ay sheegeen in xog ay ka heleen dadka Shacabka ah ay kusoo saareen miinada.

Saraakiisha ayaa Shacabka faray inay la shaqeeyaan Laamaha ammaanka si looga hortago weerarada iyo qaraxyada ay qorsheeynayaan Ururka Al-Shabaab si looga badbaadiyo inay ku dhibaateeyaan.

Ciidamada Nabadsugida iyo kuwa Daraawiishta dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa dhowr jeer howlgallo kala duwan oo ay fuliyeen waxa ay kusoo saareen miinooyin waddooyinka lagu Aasay, iyada oo ay xusid mudan tahay in dad Shacab ah ay ku dhinteen miinooyin lagu Aasay waddooyin kuyaalla duleedka Magaalada Kismaayo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com