Urrurada Saxaafadda Somalia oo kasoo horjeestay Amarkii kasoo baxay Dowladda

Urrurada Saxaafadda Somalia oo kasoo horjeestay Amarkii kasoo baxay Dowladda

Kadib kulan ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho hoggaanka Ururada Saxaafada Soomaaliyeed ee kala ah SJS, SOMA, Fosej & Simha ayaa waxaa ay uga soo horjeesteen go’aankii kasoo baxay Sabtidii la soo dhaafay Wasaaradda Warfaafinta ee Warbaahinta looga joojiyay baahinta Wararka la xiriira Al-Shabaab.

Warsaxaafadeed ay soo saareen SJS, SOMA, Fosej & Simha qeyba ay ka ahaayeen qaar kamid ah Wariyeyaasha muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in go’aankii kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta uu yahay mid sharci darro ah oo lagu deg degay.

Xoghayaha ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee SJS Cabdalla Axmed Muumin oo Warbaahinta u Akhriyay Warsaxaafadeedka ayaa sheegay in Wasaaradda Warfaafinta ay kaligeed gaartay Go’aan aan lagala tashan Ururada Saxaafadda, isla markaana uu yahay mid sharci darro ah oo xaddidaya xorriyadda hadalka iyo tan saxaafadda.

Waxaa uu sheegay in Go’aanka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta uu yahay mid amni darro u keenaya Warbaahinta Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay Wasaaradda Warfaafinta in go’aankaas ay dib u eegis ku sameeyso, ayna ilaaliso xaquuqda Wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Xoghayaha Ururka Fosej Ustaad Faarax Nuur ayaa dhankiisa sheegay in ka urur ahaan ay yihiin kuwa u doodaya xaquuqda Wariyeyaasha Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in aysan dooneyn in Wariyeyaasha ay noqdaan kuwo sigar ah ay dowaldda u baacsato.

Sanadkii 2015-kii ayaa amar sidaan oo kale ah uu kasoo baxay dowladda Soomaaliya xilligaas oo uu dalka Madaxweyne ka ahaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxana uu saameeyay amarkaas Wariyeyaal farabadan oo qaarkood noloshooda ku waayay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com