RW Xamse oo Amar siiyay Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir

RW Xamse oo Amar siiyay Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta booqday Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir, isaga oo kormeeray Xafiisyada kala duwan ee uu ku Shaqeeyo Maamulka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kusoo dhaweeyay Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre, iyada oo Ra’iisul Wasaaruhu u kulan gaar ah la yeeshay Guddoonka sare ee maamulka Gobolka Banaaidr.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu kula dardaarmay Guddoonka Sare ee Gobolka Banaadir inay dardar geliyaan howlaha ay u hayaan Bulshada kunool Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Waa booqashadii ugu horreysay ee Guddoomiyaha gobolka Banaadir uu ku tago Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir tan iyo markii la Magacaabay, waana mid uu ku xoojinayo wadashaqeynta Xukuumadda & Maamulka Gobolka Banaadir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com