Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Safiirka Turkiga xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Safiirka Turkiga xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa maanta oo Talaado ah ku qaabilay Xafiiskiisa Wasaaradda, Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,

Mudane Mehmet Yilmaz, isaga oo kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee ka dhexeeya labada dawladood iyo sidii loo sii horamarin lahaa.

Intii kulanka lagu guda-jiray, ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, waxa uu uga mahadnaqay dawladda Turkiga taageerada muuqata ee ay la garab istaageen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabkeeda.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com