Ciidamada dowladda oo howlgallo ka wada degaano katirsan Shabeellaha Dhexe

Ciidamada dowladda oo howlgallo ka wada degaano katirsan Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Millateriga Soomaaliya ayaa dhaq dhaqaaqyo iyo howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka wadaan degaano iyo degmooyin katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada oo shalay gelinkii hore la wareegay degaano kuyaalla Bariga degmada Balcad ayaa saaka howlgallo Amniga lagu xaqiijinaya ka wada degaannada, Mukaydheere, Shanlow, Dhaqaxow, Jameeco, Xawaadkeey iyo degaano kale, halkaas oo dhawaan ay isaga baxeen Al-Shabaab.

Howlgallada oo ay hoggaaminayaan Xildhibaan Ismaaciil Xaadoodle iyo Guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Kaaraan oo labaduba katirsan Ciidamada Millateriga ayaa waxaa ay sheegeen inay howlgallada sii wadi doonaan ilaa iyo inta laga guukeysanayo Al-Shabaab.

Dhinaca kale Ciidamada dowladda Soomaaliya ee maalmihii la soo dhaafay isku aruursanayay degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa kujira diyaar garoowgii ugu dambeeyay, iyada oo la filayo in Maalmaha soo socda ay howlgal ka bilaabaan degaannada iyo degmooyinka ay Gobolka Shabeellaha Dhexe kaga sugan yihiin Al-Shabaab.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com