Hay’adda IMF oo War kasoo saartay hanaanka deynta cafinta & Maaliyadda Soomaaliya

Hay’adda IMF oo War kasoo saartay hanaanka deynta cafinta & Maaliyadda Soomaaliya

Hay’adda Lacagta Adduunka IMF ayaa soo saartay Warbixinta natiijadii ka soo baxday shirka hannaanka dib-u-eegista 4-aad (Article-IV) ee Barnaamijka Deyn-Cafinta (ECF) oo ka kala dhacay magaalooyinka Nairobi iyo Washington DC ee dalalka Mareykanka iyo Kenya.

Shirarka ayaa lagu gorfeeyay arrimaha Maaliyadda Soomaaliya, hannaanka Maaliyadda, barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya iyo taageerada farsamo iyo Maaliyadeed ee Dowladda Soomaaliya ay siiyaan saaxiibada Caalamiga ah iyo Hey’addaha Dhaqaalaha Adduunka .

Warbixinta IMF waxa ay muujinaysaa dadaalka Dowladda Soomaaliya ee dib-u-habeynta Maaliyadda, iyo horumarinta dhaqaalaha, iyada oo lagu jiro xili adag oo uu dalku ku jiro soo kabashada Abaaraha iyo Cunno yarida.

War kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay inay ka go’an tahay in ay laba-laabto dadaalada lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka iyo dib-u-habeynta Maaliyadda, si loo gaaro barta kama dambeysta ah ee Deyn-Cafinta.

Hey’adda IMF oo warbixin ka soo saartay shirarkii u dambeeyay ee ay la galeen masuuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan hogaanka Wasaaradda Maaliyadda ayay ku bogaadisay dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda dalka, xoojinta Maamul Guud ee Maaliyadda dalka, kor qaadista dakhliga gudaha dalka iyo ka dhamaystirka Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya.

Hey’adda IMF waxa ay sheegtay inkasta oo Soomaaliya ay samayn ku yesheen dagaallada dalka Ukraine, Abaaraha soo noqday iyo sicir-bararka ka jira gudaha dalka oo Soomaaliya ay kala mid tahay dunida kale ee dhaqaalaha hoos u socdo, hadda waxa ay sheegtay in Dowladdu xoogga sarayso in ay kordhiso dakhliga iyo Miisaaniyadda Dowladda iyadoo sidoo kale gacan ka helaysa kabka Miisaaniyadda ee Saaxiibadda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay warbixin ay Hey’adda IMF ka soo saartay natiijada ka soo baxday Shirarkii isdabajooga ahaa ay la yesheen Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

” Waxa aan ku faraxsanahay Warbixinta ay soo saartay hey’adda Lacagta Adduunka IMF ee ka hadlaya natiijida wanaagsan ee ka soo baxday hannaanka dib-u-eegista 4-aad (Article-IV) ee Barnaamijka Deyn-Cafinta (ECF) Shirarkaas oo ka kala dhacay magaalooyinka Nairobi iyo Washington DC.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xoogaan ugu jirta sare u qaadida dakhliga gudaha iyado adduunku ay samayn dhaqaale oo xoogaan ka jirto, iyo sidoo kale dhamaystirka hannaanka Deyn Cafinta Soomaaliya oo Soomaaliya wax badan ay soo wadday.se ka akhriso Warbixinta IMF.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com