Guddoomiyaha G/Shabeellaha Hoose oo Odayaasha Dhaqanka kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab

Guddoomiyaha G/Shabeellaha Hoose oo Odayaasha Dhaqanka kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka, Haweenka Iyo Dhinyarada Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ugu horeyn waxaa kulanka ka hadlay qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka, iyaga oo sheegay in Maamulka iyo Ciidanka ay horboodaayaan degaannadoodana ay xoreysanaayaan.

Gudoomiyaha Magaalada Marka Cismaan Muuse Maxamed ayaa bulshada ku Booriyay inay Kaalintooda ka qaataan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda degaannada Maamulka Koonfur Galbeed.

Ugu Dambeyn Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeelaha hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ugu dhamaatay Gobolka iyo guud ahaanba Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com