Qarax lagu burburiyay Buundada degmada Buulo Burde

Qarax lagu burburiyay Buundada degmada Buulo Burde

Wararka naga soo gaaraya degmada Buulo-Burde ee Gobolka hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in buundada degmadaas uu Galabta ka dhacay qarax xoogan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay xaafadaha degmada buulo-burde ayaa goojoogayaal sheegeen in uu ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa, kaas oo lagu burburiyay Buundada degmada kala qeybisa degmada Buulo-Burde & degaannada hoostaga.

Sawiro laga soo qaaday halka uu qaraxa ka dhacay ayaa muujinayay Buundada oo go’aday, isla markaana xilligaan uusan mari Karin wax gaadiid ah, waxaana sidoo kale jira dad dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxa.

Ciidamo katirsan kuwa ammaanka degmada Buulo-Burde iyo mas’uuliyiin kale ayaa tegay halka uu qaraxa ka dhacay, iyada oo Isitaalka degmada Buulo-Burde la geeyay dadkii qaraxaasi ku waxyeeloobay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com