Qaar kamid ah dhaawacyada qaraxyadii Buulo-Burde & jalalaqsi oo la keenay Muqdisho

Qaar kamid ah dhaawacyada qaraxyadii Buulo-Burde & jalalaqsi oo la keenay Muqdisho

Waxaa Magaalada Muqdisho la keenay qaar kamid ah dadkii shalay gelinkii dambe ku dhaawacmay qarayadii ka kala dhacay degmooyinka Buulo-Burde iyo Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Dhaawacyada oo ay la socdeen mas’uuliyiin kala duwan ayaa gaarayay 17 Ruux, waxaana Garoonka diyaaradaha Muqdisho uga hortegay Agaasimaha hey’adda maareynta masiibooyinka Qaranka Cabdirashiid Maxamuud Xasan.

Wuxuu sheegay in dadkaan ay ahaayeen kuwo qabay dhaawacyada daran , isla markaana xaaladooda caafimaad lagula tacaali doono caasimadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu sheegay Agaasimaha hey’adda maareynta masiibooyinka Qaranka in dadka xaaladooda caafimaad dalka wax looga qaban waayo loo qaadi doono dalka dibaddiisa, taasina ay mas’uuliyad ka saaran tahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Qaraxii ka dhacay degmada Buulo-Burde ayaa waxaa lagu burburiyay Buundadii degmadaas, halka qaraxii ka dhacay degmada Jalalaqsi lagu dilay Guddoomiyihii iyo duqii degmadaas, kuwaas oo Maanta la Aasayo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com