Wararkii ugu dambeeyay xaaladda degaanka Masjid Cali Gaduud ee lagu dagaalamay

Wararkii ugu dambeeyay xaaladda degaanka Masjid Cali Gaduud ee lagu dagaalamay

Waxaa saaka degan xaaladda degaanka Masaajid Cali Gadiid, halkaas oo shalay dagaal saacado badan qaatay uu ku dhexmaray Ciidamada dowladda Soomaaliya oo taageeraya dadka degaanka iyo Al-Shabaab.

Dagaalka oo ay bilaabeen ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ayaa waxaa ay dagaalkii shalay kula wareegeen degaano dhowr ah oo ay gacanta horay ugu hayeen Al-Shabaab.

Wararka naga soo gaaraya saaka degaanka Masaajid Cali Gaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada dowladda & Al-Shabaab ay ku sugan yihiin banaanka degaanka, isla markaana laga cabsi qabo inay markale dagaalamaan.

Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada dowladda ee degaanka Masaajid Cali Gaduud ayaa guulo ka sheegtay dagaalka, iyaga oo sheegay inay degaano dhowr ah la wareegeen, sidoo kale tiro farabadan oo katirsan Al-Shabaab ay dileen.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Saraakiil Ciidan ayaa horkacaya dagaalka, waxaana badi degaanka Masaajid Cali Gaduud isaga barakacay dadkii deganaa, kuwaas oo ka cabsi qabay in waxyeeo kasoo gaarti dagaalka labada dhinac.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com