Shir looga hadlayay dar dar gelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo ka dhacay degmada Maxaas

Shir looga hadlayay dar dar gelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo ka dhacay degmada Maxaas

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo ku sugan degmada Maxaas ayaa shir guddoomiyay shir looga hadlayay amniga gobolka Hiiraan iyo dar-dar galinta howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ee ka socda Hiiraan .

Shirka waxaa ka qeybgalay Taliyaha ciidanka Dhulka ee Xoogga dalka Generaal Maxamed Tahliil Biixi Xildhibaanno kamid ah Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Xildhibaanno iyo Wasiirro ka tirsan Hirshabelle Taliyaha qeybta 27-aad Gen. Tawane maamulka degmada Maxaas iyo Odayaasha dhaqanka.

Kulanka ayaa diirra lagu saaray muhiimadda aay leedahay dhammeestirta howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee Hiiraan ka socda madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ayaana faray saraakiisha amniga in ay dar-dar galiyaan howlgalka socda waxuuna u ballan qaaday in Hirshabelle ay wax walba ku bixin doonto howlgalka socda.

Shirkaan looga hadlayay Amniga ee Maanta ka qabsoomay degmada Maxaas ayaa daba socda howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab oo ay Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ay ka wadaan Gibolka Hiiraan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com