Jubbaland oo faah faahisay dhibaatada la dhalatay fahaad uu sameeyay Wabiga

Jubbaland oo faah faahisay dhibaatada la dhalatay fahaad uu sameeyay Wabiga

Dhawaan waxaa degaanka Baarka ee Gobolka Jubbada Hoose ka dhacay fatahaad uu sameeyay Wabiga Jubba, kaas oo baabi’iyay dalagyada Beero kuyaalla halkaasi, sidoo kalena uu geystay dhibaatooyin kala duwan, waxaana faah faahin ka bixiyay dowlad Goboleedka Jubbaland.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Beeraha Mamulka Jubbaland Ugaas Cali Aadan ( Sokor ayaa sheegay inay la socdaan fatahaad uu Wabiga Jubba ka sameeyay degaanka Baarka & tuulooyinka u dhow iyo dhibaatooyinka ka dhashay.

Wuxuu sheegay in Wasaaradda Beeraha & Waraabka Jubbaland ay xilligaan waddo dadaalada ay ku dooneyso inay uga hortagto fatahaada Wabiga ee degaannada Jubbaland, isla markaana degaannada Wabiga uu ka fatahay dadka kunool ay markii hore la daalaa dhacayeen dhibaatada ka dhalatay Abaarta.

Ilaa dhowr tuulo oo katirsan Gobolka Jubbada Hoose ayuu ka fatahay Wabiga Jubba, kaas oo baabi’iyay dhul beereed aad u farabadan, waxaana laga cabsi qabaa in maalmaha soo socda uu degaano kale ka fataho.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com