laftagareen oo sheegay in kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab uu ka bilaabanayo Sh/Hoose

laftagareen oo sheegay in kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab uu ka bilaabanayo Sh/Hoose

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed ( laftagareen) oo ku sugan degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in kacdoon Shacab oo ka dhan ah Al-Shabaab uu ka bilaabanayo Gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxaa uu sheegay in dhammaan gobolada dalka looga wada istaagay dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab, iyagana dhankooda ay bilaabayaan kacdoonkaas, wuxuuna ugu baaqay dhammaan dadka kunool degaannada Koonfur Galbeed inay qeyb ka noqdaan dagaalka.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed ( laftagareen) ayaa ugu dambeyn sheegay in gobolada Baay & Bakool ay kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab hadana ay ka bilaabanayaan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Hadalka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed ( laftagareen) ayaa kusoo aadaya xilli dad Shacab ahaa oo hubka qaatay ay Al-Shabaab kula dagaalameen degaano katirsan gobolada Hiiraan & Shabeellaha Dhexe, isla markaana degaano dhowr ah ay kala wareegeen.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com