Ciidamada dowladda oo dagaal kula wareegay degaano katirsan gobolka Hiiraan

Ciidamada dowladda oo dagaal kula wareegay degaano katirsan gobolka Hiiraan

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa qeybta 27aad, Ciidamada kumaandooska DANAB iyo kuwa dadka degaanka ee huba qaatay ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeen degaano katirsan gobolka hiiraan.

Howlgalka oo sigaar ah uga dhacay inta u dhaxeeysa Magaalada Beledweyne iyo degaanka halgan ayaa saraakiisha hoggaamineysay waxaa ay sheegeen inay kula wareegeen degaano dhowr ah, sida Cabdi cagweyn, Dhagaxyaxoor , Garasaani , Booco iyo Nuur fanax ee Gobolka Hiiraan.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed qeybta 27aad Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay ayaa sheegay in ujeedka uu ahaa in Al-Shabaab laga saaro degaannada Jiinka Wabiga oo ay dhawaan kasoo gudbeen.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com