Howlgalka ATMIS oo ku dhawaaqay inay howlgal duqeyn ah uga qeyb qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah Shabaab

Howlgalka ATMIS oo ku dhawaaqay inay howlgal duqeyn ah uga qeyb qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah Shabaab

Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS Soomaaliya ayaa shaaciyay in ATMIS ay diyaar u yihiin inay sii wadaan taageerada howlgalka dhinaca cirka ah ee Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ay ku qaadayaan Ururka Al-Shabaab.

War kasoo baxay howlgalka ATMIS ayaa waxaa lagu sheegay in inta lagu guda jiro howlgallada millateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab ay fulinayaan weerar dhinaca cirka si loogu taageero Ciidamada dowladda ee la dagaalamaya Al-Shabaab.

“ ATMIS waxay sii wadaa inay taageerto dagaalka cirka ee ciidamada dhulka inta lagu jiro hawlgallada militari. Hawlgallada #ATMIS ayaa socda oo lagu taageerayo ciidanka xoogga dalka si loo wiiqo Al-Shabaab ayaa lagu yiri” Qoraalka.

Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaan qeyb weyn ka aheyn howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda qeybo kamid ah Gobolada Hiiraan & Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagula wareegay degaano dhowr ah oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com