Afduubka Soomaalida oo ka billaawday meelo kamid ah dalka Koonfur Afrika

Afduubka Soomaalida oo ka billaawday meelo kamid ah dalka Koonfur Afrika

Kooxo Burcad isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan ayaa meelo kamid ah dalka Koonfur Afrika waxaa ay ka bilaabeen afduubka dad kale oo ah Soomaali aiyo Itoobiyaa si ay uga qaataan lacago madax furasho ah.

Arrintaan ayaa dhowwrkii malmood ee la soo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacday meelo kamid ah Xaafada Soomaali ay ku badan tahay ee Mayfair, isla markaana maalmihii la soo dhaafay dad badan la afduubtay.

Mid kamid ah Soomaalida kunool Xaafada Mayfair ayaa sheegay in dadka la afduubtay uu kamid yahay Milkiilaha Hotel-ka caanka ah ee Magaalada Johannesburg , kaas oo weli gacanta kooxaha Burcadda ah ku maqan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhibaatadaan kajirta Magaalada Mayfair aysan ku baraarugsaneyn dadka Soomaaliyeed oo qaarkood Gaacsato ah, isaga oo Booliska ugu baaqay inay arrintaan wax ka qabtaan.

Dalka Koonfur Afrika ayaa tobankii sano ee la soo dhaafay kajiray dhhibaatooyin isugu jira dila, dhaawac iyo in la boobo hantidooda loo geysanayay Soomaalida iyo Itoobiyaanka, iyada dowladda Koonfur Afrika ay waxka qaban la’dahay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com