Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ka hadlay xaalada magaalada Laascaanood

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ka hadlay xaalada magaalada Laascaanood

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo oo ka hadlay arrinta Laascaanood

Waxaan murugada la qaybsanayaa ehelada iyo qaraabada dadkii birimageydada ahaa ee ciidanka Somaliland ay ku laayeen magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, anigoo Alle u weydiinaya in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa.

Dadka ku dhaqan magaalada Laascaanood, reer Sool iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed maanta ma xamili karaan colaad iyo dhibaato hor leh, sidaas awgeed waxaan ku baaqayaa in si degdeg ah loo joojiyo tacaddiyada ka dhanka ah shacabka iyo wax kasta oo caqabad ku noqon kara xasilloonida iyo nabadda deegaanka.

Sidoo kale, waxaan Eebbe caafimaad u weydiinayaa dhammaan dadkii dhaawacyadu ay soo gaareen, aniga oo rajaynaya in waxgaradka iyo haldoorka Soomaaliyeed ay u istaagaan xal u helidda dhibaatada ka taagan gobolka Sool.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com