OROMADA OO TUULADA MARAR, TULI GUULEED SOO WEERARTAY SOONA GAADHAY MEEL 2KM JIGJIGA U JIRTA

OROMADA OO TUULADA MARAR, TULI GUULEED SOO WEERARTAY SOONA GAADHAY MEEL 2KM JIGJIGA U JIRTA

Dagaal ka qarxay tuulada Marar ee Degmada Tuli Guuleed oo sii xoogaystay ayaa hadda soo gaadhay meel u jirta Jigjiga 2KM, ahna tuulada Malowle.

Dagaalka ayaa waxaa soo qaaday ciidamada Oromiya ee loo yaqaano Fadnooga soona weeraray shacabka Beeralayda ee Tuli Guuleed.

Sida ay Daljir hore u soo warisay, Maamulka Oromiya ayaa go’aan ku gaadhay inay Tuulada Marar xoog kula wareegayaan, kana dhisanayaan biyo-xidheeno, waana tan sababtay in uu dagaal ka dhex biloowdo shacabka Tuli Guuleed iyo ciidamada Oromiya ee Fadnooga.

Dagaalka ayaa galay maalintii saddexaad, sababayna khasaaraha dhimasho iyo dhaawac tiro badan.
Tuulada Marar waxay Jigjiga u jirtaa 25KM hase yeeshee dagaalka ayaa hadda ku sii fidaya Tuulooyin badan oo Tuli Guuleed hoosyimaada ayna kamidyihiin tuulooyinka Marar, Sandacase, Dharcaseeye, Daarimi,
Malowle, Sheekh madow, Agaajin illaa dhanka Gabogabo.

Maamulka Xukuumada Deegaanka Soomaalida ayaan illaa iyo hadda wax jawaab ah ka bixin kana hadal ciidamada Oromiya ee ka dhex dagaalamaya Gudaha Deegaanka Soomaalida (TULI GUULEED).
Diiwaanka wararka | Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com