Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerar ay Al-Shabaab ka geysteen duleedka Mandheera

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerar ay Al-Shabaab ka geysteen duleedka Mandheera

Haweeney ayaa ku dhimatay sideed kalena waa ay ku dhaawacantay kadib markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo marayay wadada isku xirta Banisa iyo Mandheera ee ismaamulka Maanddeera.

Gaariga ayaa waxaa saarnaa 12 qof markii dableyda ay weerartay, sida ay sheegeen booliiska iyo dadkii ka badbaaday weerarka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxaha weerarka geystay ay rasaas ku fureen Gaariga xilli uu marayay inta u dhaxeysa Sarman iyo Olla oo ah tuulooyin hoostaga magaalada Mandheera ee dalka Kenya, halka rakaabkii kale ee saarnaa gaariga ay baxsadeen iyagoo dhaawac ah.

Degaanka uu weerarka ka dhacay ayaa waxaa uu u dhow yahay Xadka dalalka Soomaaliya iyo Kenya, waxaana Mas’uuliyiinta deegaanka ay sheegeen in ay ku arkeen aaggaas kooxaha weerarka qaaday.

Axadii, Janaayo 15, kooxda argagixisada islaamiga ah ee fadhigeedu yahay Soomaaliya ayaa isku dayay in ay weerar kooxeed ku qaado Takaba iyaga oo beegsaday gaari kale oo PSV ah balse waxaa ka soo horjeestay bulshada muslimiinta ah ee deegaanka.

Taliyaha booliska gobolka waqooyi bari George Seda ayaa sheegay in Ragga weerarka geystay ay baxsadeen, isla markaana dadka dhaawaca ah lagu daaweeynaayo Isbitaalka Magaalada Mandheera, sidoo kalena ay jirto cabsi laga qabo weeraro kale oo la qorsheynayo in lagu qaado deegaankaasi iyadoo feejignaan dheeri ah la geliyay Ciidamada.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com