Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay yeeshay kulan aan caadi ahayn, Waxaana Shir gudoomiyay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.
Golaha Wasiirada ayaa intii kulanka uu u socday , meel mariyay xeerka la dagaalanka argigixisada.
Xeerkaan ayaa xukuumaddu sheegtay inuu door weyn ka qaadanayo dagaalka looga soo horjeedo Alshabaab iyo Sidii da;lka looga saari lahaa.
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa sheegay in xeerka la ansixiyay uu ahmiyad gaar ah uu u leeyahay waqti xaadirkaan dagaalka dawladu ay kula jirto Alshabaab iyo Daacish .
Xeerka ay xalay Ansixiyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhowr sano ka hor la diyaariyay laguma guulaysan in uu meel maro.
Sidoo kale, golaha wasiiradda ayaa xalay meel mariyay heshiis dhinaca socdaalka ah oo ay wasaaardda amnigu soo diyaarisay iyo heshiis kale oo ay Soomaaliya la saxiixatay Dawlada Uganda.
COMMENTS