Casharka ina Canbaashe

Casharka ina Canbaashe

Mahad Canbaashe, loo yaqaan Ina Canbaashe, waxa uu ahaa Taliyaha Somaliland u qaabilsanaa cabburinta iyo cagajugleynta gobolka Sool. Ina Canbaashe doolaal kuma iman Laascaanood ee waxa uu ahaa nin u dhashay deegaanka, kuna leh ehel iyo Isimo. Sannado badan dadka deegaanka waxaa ka dhaadhacsaneyd in uu mushaar kaliya ka qaato Somaliland, laakiin yahay nin dadkiisa iyo deegaankiisa ehel u ah. Wax badan baa fagaarayaal looga sheekaystay in Taliye Mahad uusan fogeyn.

Mahad waa fogaa, mar kasta waa fogaa, marnana dadka iyo deegaanka ehel uma ahayn. Haddaba maxaa sababay in qof dadka iyo deegaanka u dhashay uu daawado dadkiisii oo la xasuuqayo, daacadna u noqdo kan doolaalka ku yimid ee dadkiisa xasuuqaya?

Jawaabta su’aashaas marnaba jawaab looma helin, maxaa yeelay marnaba la isma weydiin su’aasha ah, “horta Hargeysa shaqo ma siisaa qof caqli leh oo xukun ridi kara?” Haddii aan su’aashaas hore la isku weydiin, jawaabta su’aasha shalay duhurkii bay qof walba u caddaatay. Taliye Mahad Canbaashe wuxuu ahaa shaqaale daacad u ah kan dadkiisa liidaya, dilaya, asagana berri dili doona. Ina Canbaashe iyo dhowrkii wiil ee u soo haray jawaabta marka kaliya ee ogaan doonaan ama qaarkood ay ogaadeen, sida laba kamid ahi ay shalay qorrax gaab u ogaadeen, waa marka ay indhahooda ku arkaan, dhegohoodana ku maqlaan in ay xero qalad ah soo galeen. Laakiin, markaasna waqtigoodii baaba dhacay.

Haddii Ina Cambaashe iyo dhowrkiisii wiil intaas shalay garan waayeen, ma la filan karaa inta weli Hargeysa u shaqo tagta ee ka soojeeda deegaanada SSC in ay maanta intaas gartaan? Jawaabtu waa maya, marnaba ma garan karaan mana garan doonaan, maxaa yeelay ma leh garasho, Hargeysana shaqo ma siiso qof garasho leh.

Laakiin su’aal kalaa ayana ah, dadka reer SSC iyo Isimadoodu goorma ayey ka samrayaan oo dayrinayaan ama dil ku xukumayaan kuwa weli Hargeysa jooga ee habeen iyo maalin aan ladin baqdin darteed, laakiin aan marnaba awoodin in ay Hargeysa ka tagaan ama dadkooda iyo Isimadooda la talo noqdaan?

Casharka Ina Canbaashe ma aha mid cusub, laakiin dhibku waa in aan taariikhda cashar laga baran, si qaladkii shalay dhacay aan berri loogu celin. Casharka Ina Canbaashe waxba kama duwanaan doono casharka Ina Koore iyo inta ay meel wada fariistaan.

Diiwaanka Daljir | Laascaanood | SSC-Khaatumo

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com